Sadia Moalin Ali (Sacdiyo Bajaaj)

Gardhawr Law Firm Isniin, 17Agoosto 2026

Maalintii shalay ahayd, waxaa Xafiiska Qareennada ee Gardhawr Law Firm nagu soo booqatay Sadia Moalin Ali (Sacdiyo Bajaaj) kaddib markii ay dib u heshay xorriyaddeeda, iyadoo Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir sii daysay.

Sacdiya Bajaaj waxaan guddoonsiinay kuna wareejinay Xukunka ay soo saaratay Maxkamdda Racafaanka Gobalka Banaadir, laguna beri-yeelay Sacdiyo Bajaaj iyadoo la kulantay Maamulaha Guud ee Gardhawr Law Firm Avv Mohamed Sheikh Osman

Intii ay kulanka wada joogeen, waxay ka wada sheekeysteen arrimo kala duwan, iyadoo Guddoomiyaha Gardhawr Law Firm uu Sacdiya kula dardaarmay, kana talo siiyey arrimo badan oo la xiriira xuquuqdeeda iyo sidii ay u ilaalin lahayd sharciga.

Haddaan nahay Bahda Qareennada ee Gardhowr Law Firm, waxaan mar walba diyaar u nahay inaan caddaaladda iyo xuquuqda muwaadiniinta garab buuxa u noqonno, kuna difaacno si waafaqsan sharciga.

#gardhawrlawform waa Garabkaaga Sharciga #

See less

Faallo ka dhiib

Iimaylkaaga lama daabici doono. Meelaha loo baahan yahay waxaa lagu calaamadiyay xiddig.

Marnaba lama daabaco lamana wadaago.

Fadlan ha ku qorin faahfaahin dacwad oo qarsoodi ah faallo dadweyne. Si aad arrin si gaar ah ugala hadasho, isticmaal foomka la-talinta ama xafiiska soo wac.

Kula sheekayso WhatsApp Nagala sheekayso WhatsApp +252 61 480 6060 Soo wac xafiiska